Rabsho ka dhacday xabsi ku yaalla Brazil oo 56 ay ku dhinteen

0

Saraakiisha dalka Brazil waxay sheegayaan in 56 maxbuus ay ku dhinteen dagaal ka dhacay xabsi dhexdiisa.
Rabshada ayaa ka dhacday xabsi lagu magacaabo Anisio Jobim oo ku yaalla magaalada Manaus.

Dagaalka ayaa bilowday Axaddii, balse wuxuu dhammaaday 17 saacadood ka dib markii maxaabiista ay dib isu dhiibeen.

Qaar ka mid ah kuwa dhintay, waala jarjaray, kuwana waala gubay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Masuuliyiinta xabsiga waxay sheegayaan in koox burcad ah oo ka howlgasha gudaha iyo dibadda xabsiga ayaa isku deyay inay awoodda la wareegto.

Xubnaha kooxdaasi ayaanan lagu xirin dhammaan xabsiyada kale ee dalkaasi.