DAAWO:- Wafdi ka Socda Galmudug oo Socdaal ku Tagay Degmada Bandar Qaali oo Abaartu ay Si Wayn u Sameysay

0

Maamulka Degmada Bandar Qaali Galbeedka Gobolka Mudug Ee Galmudug ayaa Ka hadlay Heerka ay Gaartay Abaarta ka jirta Degmadaas iyo dhulka Miyiga ee ku Hareeraysan.

Kulan Qayb ka ah Kormeerka Qiimaynta Abaaraha Waxaa Xarunta Degmada Bandar Qaali kuwada yeeshay Wafdi Uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabi rashiid Xaashi Cartan Ayna Qayb ka ahaayeen Xubno ka socda Hay’adaha Samafalka ee Ka hawl Gala Deegaanada Galmudug.

Intii kulanka Socday Waxaa Warbixino Looga dhagaystay Gudoomiyaha iyo Xubnaha Golaha Deegaanka Bandar qaali oo Xog badan ka soo aruuriyay dhulka miyiga ah”

Abaarta ka jirta Degmada Bandar Qaali iyo Guud ahaan Dhulka Miyiga ah Waa Mid baahsan waxaana jira Xoolo Badan oo ku baxay ama udhimanaya Abaarta iyo Cuduro Kale oo wali aan lagaran

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug iyo kuwa ka socday Hay’adaha ayaa Balan Qaaday In Karankoda aysan Ka hagran doonin Gurmadka Abarta.

Hoos ka Daawo Sawirada:-