DAAWO:- Mo Farah oo ka mid noqday muwaadiniinta Britian oo la Sharfay

0

Mo farah oo haysta dhalashada dalka Britain balse asalkiisii hore uu yahay Soomaali ayaa ka mid noqay muwaadiniinta Britain oo la sharfay.

Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay. Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay muddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow.

Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka. Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.

In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax. Orod yahankan ayaa isigoo sideed sano jir ah galay dalka Britain, wuxuuna ka tagay Soomaaliya.