DAAWO:- Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Degaanada Galmudug oo Tababar Muhiim ah loo Furay

0

Tababarkan magaalada Cadaado uga furmay qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare ee deegaanada Galmudug ayaa ah mid sare loogu qaadayo tayadooda aqooneed, waxaana tababarkan oo socon doona muddo laba asbuuc ah wasaaradda waxbarashada Galmudug ka caawinaya Hay’adda Mercycops.

Ilaa 40-macalin oo ka kala yimid degmooyinka Mudug iyo Galgaduud qaarkood ayaa tababarkan khuburo dhinaca waxbarashada ahi waxa ay ku bixin doonaan macluumaad macalimiinta ku jihaynaya inay si wanaagsan ardada wax u gaarsiiyaan.

Cabdullahi Colaad Faarax Guddoonka waxbarashada gobolka Galgaduud ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaalo lagu tayaynayo macalimiinta dugsiyada sare.

Axmednuur Cusmaan Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan tayada waxbarashada si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-