DAAWO:- kulan looga hadlay kaalinta dhallinyaradu ay ka qaadan karaan horumarinta bulshada oo lagu qabtay Magaalada Nairobi

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta isu keentay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaallada Nairobi, qurbo joog iyo Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan golaha wakiillada gobolka Minisota ee dalka Mareykanka.

Kulankan oo ka qeyb galeen ku dhawaad 30 dhallinyaro ah oo ka kala socday ururrada bulshada iyo kuwa dhallinyarada ee ka shaqeeya arrimaha Soomaalida Kenya, ayaa loo hadlay kaalinta dhallinyaradu ay ka qaadan karaan horumarinta bulshada iyo siyaasadda, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo, tusaalooyin iyo waayo aragnimo la xiriirta xaaladaha ay ku sugan yihiin dhallinyarada, fursadaha iyo u banaan iyo sida ay horumarinta uga qeyb qaadan karaan.

Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Almaas Elman oo furtay shirkaan ayaa tilmaantay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin horumarinta bulshada, nabadda iyo waliba siyaasadda. Waxa ay sheegtay in isku-xirka dhallinyarada iyo inay hadaf yeeshaan ay qeyb qeyn ka qaadan karto horumarinta dadkooda iyo dalkooda.

“Dhallinyarada waxa ay leeyihiin awood ballaaran,Waa kuwo wax beddeli kara haddii ay midoobaan, guulaha ay siyaasadda iyo arrimaha bulshada ka gaareen ayaa tusaale u ah in ay hoggaamin karaan dadkooda” ayay tiri Almaas. “Kulankani waxa uu naga saacidi doonnaa in dhallinyarada aan ku baraarujinno in ay horay u socdaan iyo in aan helno fursad ay xildhibaan Ilhaan Cumar nagula wadaagto waayo-aragnimadeeda, waana u mahad celinayaa” ayay sii raacisay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo sanadkaan 2016-ka ku guulaysatay kursiga xildhibaannimo ee aqalka wakiillada gobolka Minosoota ee Mareykanka, ayaa sheegtay in awoodda ku jirta dhallinyarada ay wax badan ka beddeli karto xaaladda uu dalku ku sugan yahay, sidoo kalena ay dhallinyaradu wax hoggaamin karaan.

” Dhallinyaradu ma ahan kaliya hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, sidoo kale waa hoggaamiyeyaasha mar kasta. Waa in aan qaadannaa kaalinteenna oo aan bulshadeena wax tarnaa. Caqabadaha kaa hor imaanaya ma yara laakinka hanka iyo dadaalka ayaa muhiim ah si aan u gaarno ujeeddadeena” ayay tiri Ilhaan. “Dhallinyaradan oo howlo muhiim ah u haaya bulshada in aan la kulmo fursad ayay ii tahay, oo qaarkood aan howlahooda internet-ka kala socday. Safaaradda Soomaaliya iyo Danjire Jamaal oo suurta galiyay aad ayaan ugu mahad celinayaa.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-