DAAWO:- Dilka Safiirkii Gariiga ee Brazil oo ay ku lug yeelatay xaaskiisii

0

Xaaska Safiirkii Gariiga u fadhiyay dalka Brazil, ayaa waxaa ay qiratay in ay shirqooshay saygeedii, iyadoona uu dilay Sarkaal Booliska Brazil ka tirsan, oo uu xiriir kala dhaxeeyay. Ka hor inta aan meydka Safiirka la helin, ayaa horey loo sheegay in la waayay, wixii ka dambeeyay Isniintii.

Booliska Magaalada Rio, ayaa habeenkii Khamiista meydka Amb. Kyriakos Amiridis ka helay gaari gubtay, gudaha xaafadda Nova Iguacu oo ka tirsan magaaladaasi.

Dilka Safiirka, ayaa waxaa gaystay Sergio Gomez Moreira oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Rio, sida uu Warbaahinta u sheegay Evaristo Pontes, oo ah Sarkaal sare oo Booliska Rio ka tirsan.

Evaristo Pontes, ayaa tibaaxay in Safiirka la qaarajiyay Isniintii, saacadihii dambe ee Khamiistiina ay helayn meydkiisii.

Sarkaalkan, ayaa ku waramaya in Francoise de Souza Oliveira oo ah haweeney u dhalatay Brazil iyo Sarkaalka Booliska ka tirsan, ay labaduba qirteen dilka Danjirihii Gariiga ee Brazil.

Mr. Pontes, ayaa sidoo kale sheegay in kiiskaasi uu ku lug leeyahay nin ay ilmo adeer yihiin Sarkaalka dilka gaystay, oo lagu magacaabo Eduardo Tedeschi.

Amb. Kyriakos Amiridis oo 21-kii bishan ka tagey Caasimadda Brazil ee Brasilia, ayaa fasax u joogay Magaalada Rio, iyadoona uu qorsheynaayay in Brasilia uu dib ugu laabto 9-ka bisha January.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

A burnt car in which a body was found during searches for the Greek Ambassador for Brazil Kyriakos Amiridis, is pictured at a police station in Belford Roxo, Brazil December 30, 2016. REUTERS/Ricardo Moraes