DAAWO:- 20-ka Magaalo ee caalamka ugu qaalisan xagga nolosha

0

Magaalada ugu qaalisan dhinaca nolosha  caalamka ayaa noqotay magaalo aan laga filayn waxaana magaaladaas ay tahay mid ay ku nool yihiin saddex kun oo ruux oo kaliya.

Haddaba magaaladaas ayaan ahayn Washington,London,Paris balse waaa magaalada Hamilton oo caasimad u ah Bermuda.Magaalada labaad ee dunida qofka ku nool uu u baahan yahay in uu qarash gareeyo lacag badan ayaa waxaa ay tahay magaalada San Fransisco halka magaalada saddexaadna ay tahay New York.

Xog ururin ay sameysay hay’ad dhinaca dalxiiska ka shaqeysa ayaa daabacday in magaalada Hamilton qofka jooga uu bishii u baahan yahay in uu qarash gareeyo lacag gaareysa $4,769 (£3,895),lacagtaas ayaa marka la fiiriyo bishii waxaa maalin walba ay ka badan tahay $150.

Magaalada labaad ee dunida ugu qarashka badan ayaa ah magaalada San Faransisco iyadoo lagu sheegay in bil walba qofka uu ku qarash gareeyo lacag dhan $4,612 (£3,767) bil walba.

Magaalooyinka kale ee caalamka ayaa waxaa ay kala yihiin;-New York $4,207bil walba halka magaalada lixaad ay tahay London laguna qiimeeyay lacag gaareysa  $3,228 (£2,637) waxaana kaalinta 7aad ku jira magaalada Dubai $3,006 (£2,455).

Haddaba liiska iyo qarashka bil walba waxaad ka heli kartaa shaxda hoos ku qoran;