DHAGEYSO:- Puntland oo ku baaqday in laga wada shaqeeyo nabada Magaalada Gaalkacyo

0

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo nabada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo, lagana shaqeeyo nabada Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Xasan Maxamed Khaliif Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa shacabka Gaalkacyo ugu baaqay in ay muujiyaan isku duubni.

Bishii September ee sanadkan ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhacay kulan lagu heshiisiinayay Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana goob joog ka ahaa Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-