Dowladda Turkiga oo Somaliland ku cadaadinaya iney Xeraan Hay’adda Nile Academy

0

Safiirka Dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya  Danjire Olgan Baker iyo Safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya  Kani Torun oo hadda ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Turkiga ayaa Warqad u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Warqada Safiirka Turkiga uu u diray Maamulka Somaliland ayaa looga Codsaday Somaliland in ay xirto Hay’adda Nile Academy  oo uu leeyahay Wadaadka Mucaaradka ku ah Turkiga islamarkaana Dowladda Turkiga ay la xariiriso Afgambigii Fashilmay.

Hay’adda Nile Academy  ayaa Somaliland ka fulisa Waxbarasho kala duwan,waxaana ay Gacanta ku haysaa Xarumo Waxbarasho oo aad u badan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu Codsaday in la siiyo Labo Todobaad,iyadoo aan la ogeyn in Somaliland ay xiri doonto Xarumaha Hay’adda Nile Academy  iyo in kale.

Dowladda Somaliya ayaa horay u Erisay Nile Academy kadib markii Dowladda Turkiga ay amartay in Hay’adda Nile Academy  laga Eryo Soomaaliya.