DHAGEYSO+SAWIRO:- Siyaasiinta ka soo jeeda Somaliland oo War Cad ka soo saaray Saamiga Xubnaha Aqalka Sare

0

Kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxay mowqif cad ka istaageen arrinta Aqalka sare ee saami qeybsiga beelaha waqooyi ama Somaliland, iyagoo sii cusleeyay khilaafkii iyo is qab qabsiga markii hore ka taagnaa xubnaha Aqalka sare.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kubxigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax, Wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland.

War saxaafadeedka laga soo saaray kulankan ayaa lagu sheegay inay daba joogaan cadaalad darradii iyo cabashadii ka taagneyd qoondada kuraasta Aqalka sare ee Somaliland, oo aan wali xal kama dambeys ah laga gaarin.

Siyaasiyiintan ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay in aanay ku qanci doonin saami qeybsiga aqalka sare wax ka yar %33 xubnaha Aqalka sare oo u dhigma 18 xubnood Aqalka Sare, taasoo ka badan 11 xubnood ee markii hore la isku hayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-