DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka oo Beesha Caalamka ugu baaqday iney ka qeyb qaadato gargaarka loo sameynayo dadka Abaartu ay saameysay

0

Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Beesha Caalamka iyo Dowladdaha Carbeed loogu baahan yahay iney ka qeyb qaataan samata bixita dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga dhabeeyo balan qaadyada Dowladda la siinayo isla Markaana Hay’adaha Caalamka laga doonayo iney dadaal dheeri ah la yimaadaan.

Waxa uu xusay in ay la kulmi doonaan Madaxda Hay’adaha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan si loogu dhabeeyo u gargaarida dadka dhibaateysan.

Sidoo kale Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay iney muujiyaan kaalintooda ku aadan u gargaarida dadka dhibaateysan isla markaana loogu baahan yahay iney dowladda ku taageeraan Barnaamijyada ay wado.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Carten:-