DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Fariin u dirtay Galmudug

0

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Xiisada u dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug ay sii korortay ,islamarkaana ay shalay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland .

Wasiirka Wasaarada degaanka Maamulka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu xusay in  Puntland aysan jirin wadooyin ay xirtay ,islamarkaana ay fureen wadooyinkii ay horay u xireen.

Waxaana uu Galmudug ugu baaqay in ay wadooyinka ay furaan.

Maamulka Puntland ayaa horay waxaa loogu eedeeyay ay xirteen Wadooyinka ka yimaada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo .

Guddiyadda Nabadeynta Gaalkacyo ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen in ay xal ka garaan colaada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-