Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Magaalada Kismaayo

0

Saraakiisha Ammaanka maamulka Jubbaland ayaa Maanta Markale Magaalada Kismaayo kusoo bandhigay 4 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab oo sheegeen in ay isku soo dhiibeen ciidanka maamulka Jubbaland.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay yihiin madax ka tirsan Waaxda Maaliyada Al-Shabaab.

dhawaan ayay Aheyd markii Jubbaland ay Kismaayo kusoo bandhigtay 3 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sikastaba maalmiihii lasoo dhaafay ayaa dagaallo xoogan oo u dhaxeya dad xoolo dhaqata ah iyo sidoo kale Al-Shabaab waxa ay ka socdeen degaano ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.