Al-Shabaab oo Nolosha ku qabtay Askari ka tirsan Ciidanka AMISOM+Magaciisa iyo Wadanka uu ka soo jeedo

0

Shabaab ayaa nolosha ku qabtay Askari ka tirsan Ciidanka AMISOM, kaas oo u dhashay Dalka Uganda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka Shabaabka.

Askarigan ka tirsan Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxaa lagu soo qabtay Howlgal gaar ah oo Shabaabka ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegay xilliga Askarigan la qabanayay in uu ku hubeysnaa qori AK-47 iyo booshkiisa iyo weliba gumaca qoriga baasuukaha.

Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dhowaan ay soo bandhigi doonaan magaca askarigaasi iyo wareysiga laga qaaday, isagoo ku labisan dareyskii iyo hubkii lagu soo qabtay, Maxkamadna la soo taagi doono.

Ugu dambeyntii Shabaabka ayaa waxa ay ka hadleen dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo Ciidanka AMISOM ay ku dileen 11 Qof, waxaana Shabaabka ay sheegeen in dadkaasi shacabka ah ay u aar gudi doonaan.