DHAGEYSO:- Taliska Ciidanka Booliiska Puntland oo sheegay in lagu raad joogo dadkii ka dambeeyay dilkii Shalay ka dhacay Boosaaso

0

Maamulka Puntland ayaa ku raad jooga raggii ka dambeeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Puntland C/qaadir Faarax Shire Ereg oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada Boosaaso iyo sida ay shacabka ula shaqeyn la’yihiin Ciidamada.

C/qaadir Faarax Shire Ereg Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshada in aysan qarsan cadowga dilaya Mas’uuliyiinta Puntland iyo dadka dhaxalgalka ah, waxaana uu ugu baaqay in ay mar walba la shaqeeyaan Ciidamada, si looga hortago falalka amni daro.

General Ereg ayaa balan qaaday in aan la bixin doonin xogta shaqsiyaadka iyo dadweynaha xogaha la wadaagaya Ciidamada, isagoo sheegay in Askarigii lagu helo isaga oo bixinayo sirtaas cadaaladda la horkeeni doono, lagana ceyrinayo shaqada.

Todobaadkan gudihiisa ayaa Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa lagu dilay Taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi iyo Agaasimhii Madaxtooyada Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse, waxaana Mas’uuliyada dilalkaas sheegtay Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-