DAAWO+AKHRISO:- Heshiis ay Dalka Itoobiya ku Wada gaareen Maamulada Somaliland iyo Khaatumo

0

11 qodob ayaa muujinaya isku biiritaan dhab ah iyadoo ay sheegeen inay si wada jir ah ula dagaalami doonaan cidii ka hor timaada qodobada ay ku heshiiyeen

1 in wadahadal iyo jawada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira .

2 in wixii fadqalaalo iyo dacaayad gudeheena ah lajoojiyo meelna looga soowada jeesto

3 in meel looga soowada jeesto wixii gacan sadexaad ah ee farogalin ku samayn karta inta wadahadaladu soconayaan.

4 in laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqan

5 in laga wada shaqeeyo xoojinta nabadgalyada

6 in  ciidamada somaliland ee ku sugan sool sanaag bari iyo qeybo buuhoodle kamid ah dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyado la tixgalinaayo marwalba baahida iyo xaalada nabadgalyo siday tahay.

7 in aan la qorin ciidan beeleedyo cusub inta wadahadaladu socdaan

8 in maamul daadajin buuxda lasameeyo oo taabanaysa dhinacyada siyaasada dhaqaalaha maamulka ,arrimaha bulshada iyo nabad galayada

9 in wadajir looga hawlgalo sidii mashaariic  waaweyn oo horumarineed looga hirgalinlahaa goboldaasi

10 in la iska kaashado sidii gargaar loogu raadinlahaa,loona gaadhsiinlaha dadka abaaraha ku tabaaloobey.

11 in hay adaha samafalka iyo qaramada midoobe ka hawlgalaan kana qaadan xayiraada goboladaasi..

Qodobada labada dhinac waxaa u kala saxeexay dhanka snm sacad ali shire.

Dhanka khaatumo waxaa u saxeexay maxamudu sheikh  Cumar  Xasan.

Hoos ka Akhriso Warqada Heshiiska, Kana Daawo Sawirada:-