TOP:- Doorashada Kuraasta Baarlamaanka ee G/Waqooyi oo markale dib uga bilaabatay Muqdisho

0

Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa markale maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ee Goballada Waqooyi oo goor-dhow bilaabatay waxaa ilaa iyo hada ku soo baxday Sedex Xildhibaan oo kala ah Faadumo Ismaaciil Xuseen ,Cusmaan Cilmi Boqorre iyo ismaaciil Bashiir Sheekh C/raxmaan

Doorashooyinka Kuraasta Barlamaanka federaalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ayaa horey ay ugu soo baxeen dhowr Xildhibaan, balse uu hakad yari galay, ayaa  maanta markale dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Doorashooyiinka Labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa badi la soo dhamaystiray, waxaana harsan oo kaliya qaar ka mid ah Kuraasta Gobolada Waqooyi.