Yaa ku haboon musharaxiinta u loolamaya hoggaanka dalka in loo doorto?

0

Marka hore inta aana guda gelin dulucda maqaalkayga waxaan aad iyo aad mahad iyo hambalyo u dirayaa warbaahinta DALASOOR oo markasta Umaadda Soomaaliyeed u soo bandhiga wararka xaqiiqda ah ee jira kuna qotoma run,ayaga oo noo soo bandhigay mushraxiinta u tartamaya madaxtanimada Soomaaliya iyo dalalka ay ka haystaan dhalashada labaad ayyaga oo salkoodu yahay Soomaali dhalashana ka haysta.

Waxaa la soo bandhigay in dhammaantood masharaxiinta Madaxweynanimo ee Soomaaliya ay haystaan dhalasho wadamo shisheeye oo kala ah Canadian,Finish,Austerelian,Amerikaan,Biritish iyo Kenyaan.

Haddaba waxaa muuqata sharuucda dalka lagu dhaqaayo waxay u muuqdaan sidii wax kasta loo bililaqaytay ayaa shuruucdii hufnayd oo dalka lagu dhaqi jiray loo bililaqaystay,waxaana ila tahay shisheeye iyo qurbajoog baa noo sameeyey waxa hadda noo qoran,waayo madaxweynaha dalka Soomaaliya wuxuu lahaa sharuudo adag oo lagu xusho si uu u noqdo mid dalka iyo dadka daacad u ah waxaana ka mid ahaa in uusan haysan dhalasho wadan kale islamarkaasna uu qabin haweyneey dalk kale u dhalatay.

Cadawga dalka iyo shisheeyaha danaha gaarkaa naga leh waxay noo kala qaybiyeen gobolo ay ku tilmaameen federal waxay bedeleen sharciyadii aan turxaanta lahayn ee lagu ilaalinayey madaxda suuban ee ina hogaaminaysa,arintaas oo ka muuqanaaya qatara badan oo jiritaanka sharafta qaranka dhaawici kara ama halisba ku ah,waayo waxaa nala ka samaystay daldaloolo badan oo si sahal ah na loo ka soo geli karo waxa danaha shisheeyaha lana ka dhex fushan karo ,ilayn dastuuri baa na looga dhigahye,sidoo kale qaai,nuwadan xargii adkaa ee ku xirxirnaa waa laga furay oo fursad asaga oo madaxa uu dalal kale u basaaso buu haystaa.

Haddaba arinta hubaal waa cakiran tahay oo mar hore baa mindidu uuska gashay ama caloosha gashay,waxaana soo jeedin lahaa arimaha hoose;-

1-Laba cadaw haddaad leedahay kan kuu dhow baa la dilaa marka hore,sidaas awgeed raggii uu galay raadkii bada iyo gidaarka xuduuda ka dhisayso Keenya oo aan wax ka hadlayaa jirin iyo weliba siyaasada aan isku hayno ee dhuleed,shaqsiyaadka haysta dhalashada keenya iyo qadiyadaha aan ku kor ku soo sheegay ee u goldalooliyey Keenya in ay muran geliso Soohdimihii soomaliya ee Caalamiga ahaa waa in laga ilaaliyaa madaxtinimada Soomaliya.Arintaas waa xilguudka u wada saran xildhibaanada cusub oo hadda doorashadoodu soo gabagaboobayso in ay il gaar ah ku eegaan Keenya kuwa u shaqeeyey ee raadkoodu muuqdo iyo kuwa dhalashada ka haystay.

2-Waxaa kale oo aan ka filaynaa in nin horay loo soo tijaabiyey oo madaxweyne noqday,oo daacadnimadiisa iyo amaano dhawrnimadiisa ummaddu wada ogtahay yey nagu soo celin ee waji cusub oo niyada jabsan ee shacbka dhiig cusub ku shuba ha keeneen.

3-Ugu danbayn aan u dardaarmo Baarlamaanka cusub Xukuumada iyo baarlamaanka waqtigoodu dhamaaday waxay ku fashilmeen in wixii hor yiilay ee loo idmaday ay ku fashilmeen,wixii dadku ka sugayayna waa gabeen sida,Dastuurka oo la turxaanbixiyo,amaanka dalka oo ka sii daraya,maxkamadii tastuuriga ahayd ee wax kala hagi lahayd oo si ula kac ah loo diiday in la dhisay,boobka iyo bililaqada lagu hayo hantida guud iyo tan gaarka iyo dhibaatooyinka kale ee aan halka ku soo koobi Karin sida dagaalada qabaai,lada ee joogtada noqotay in ayb la yimaadaan in ay wax ka badalaan,waxayna guul iyo magic ku heli karaan hoggaanka baarlamaanka iyo xukuumadda cida ay u xushaan ,waayo hoggaan xumo baa na dhigtay meesha halista ah ee qaranka Soomaaliya yaalo.

W/Q:-Cabdullaahi Jimcaale Faarax
London, Uk