WAR DEG DEG AH:- Diyaarad Drones ah oo ku soo dhacday Gobolka Sh/Hoose

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Diyaarad Nuuca Duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday Duleedka Aw-dheegle.

Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Diyaaradda Drones-ka ah ay Illaa Xalay dul heehaabeysay Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana markii dambe la sheegay in ay ku dhacday Degaan 4KM u jira Aw-dheegle.

Al-shabaab ayaa Maamula Degaanka Diyaaradu ay ku dhacday,welina kamey hadlin Diyaaradda iyo wadanka Laga leeyahay intaba.

Sidoo kale waxaa Arrintaan ay imaaneysaa Xilli dhowr jeer ay sidaan oo kale Gobolka Shabellaha Hoose ay ugu soo dhaceen Diyaarad Drones ah.