DHAGEYSO:- Guddiga doorashada Soomaaliya oo sheegay in aysan dhici doonin in doorashada Madaxweynaha ay gaarto sanadka 2017

0

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhageey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sanadkaan 2016 aysan dhaafi doonin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay diyaarsan yihiin qorshihii ay ku dhici lahayd doorashada Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana Xildhibaanada Baarlamaanka tiradii loogu baahnaa ay xaadir yihiin.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan in ay dhameystiraan howlaha kale ee hada harsan kuna wareejinayaan dhameystirka howlaha doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan dhici doonin in sanadka cusub ee 2017 ay gaarto doorashada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa walaac ka muujinaya in mar kale ay dib u dhici karto doorashada Madaxweynaha maadaama sida ay sheegeen aysan muuqan qorshe cad oo ay ku dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

Ku dhawaad 200 oo xildhibaan ayaa ilaa hada la doortay, Waxaana kulankooda ugu horeeya uu dhacaya todobaadkan gudihiisa sida Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-