DHAGEYSO:- Ciidanka Puntland oo Xalay Weeraray Saldhiga Galmudug ee Gaalkacyo iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay Ciidan la sheegay in ay ka tirsan yihiin kuwa Puntland ay Weerar ku qaadeen Saldhigga dhexe Ee Galmudug oo ku yaalla Koofur Galbeed Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Galmudug Cawil Nuur Rooble ayaa sheegay in Xalay Ciidamo ka tirsan Puntland ay Weerar ku soo qaadeen Saldhiga Galmudug islamarkaana Weerarka Xalay lagu soo qaaday Galmudug uu ka badan yahay illaa 10 jeer tan iyo markii Heshiiska la wada galay.

Weerarkaan ayaa imaanaya Xilli Magaalada Gaalkacyo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Heshiis Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ay Goobjoog ka ahaayeen uu ka dhacay.

Saraakiisha Ciidanka Puntland weli kama hadlin Warka Galmudug ka soo baxay ee sheegaya in Ciidankooda ay Xalay Weerareen Saldhigga Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-