WAR DEG DEG:- Rasaas laga maqlayo Magaalada Gaalkacyo, Dhufeysyo culus oo la isugu jiro iyo Xaalada oo…

0

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah Saaka laga maqlayo qeybo ka mid ah Magaaladaasi.

Rasaastan ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaxeyso Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararka waxey sheegayaa in rasaasta dhaceysa ay daba socoto duqeymo madaafiic ah oo Shalay Magaalada Gaalkacyo ay isku weedaarsadeen labada Ciidan.

Dhinaca kale, rasaastan ayaa saameyn ballaaran waxey ku yeelatay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ka jiray Suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Ganacsatada suuqa weyn ayaa Afartii maalin ee la soo dhaafay waxay cabasho ka ahaayeen rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Xiisadan ayaa noqoneysa mid jabineysa heshiiskii dhawaan labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland ay ku wada galeen Magaalada Gaalkacyo oo garwadeen ay ka aheyd Qaramada Midoobay.