TOP NEWS:- Al-Shabaab oo soo bandhigay Sargaal, Askar iyo Gaadiid Dagaal

0

Al Shabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid dagaal iyo Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo u goostay dhankooda.

Wararka aanu ka heleyno degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Al Shabaab halkaas ay ku soo bandhigeen Gaari Cabdi Bile iyo 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda .

Goob Joogayaal Codsaday sababo ammaan in Magacooda iyo codkooda la qariyo ayaa xaqiijiyay Labada Askari ee isku soo dhiibay Al Shabaab in ay siteen Qoryaha Dabajeexa iyo Qoriga Garabka laga rido.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa war ay ku baahiyeen barahooda Internetka waxa ay ku sheegeen in illaa 20 Askari ay ku dileen weerar Ciidamada AMISOM ay kula qaadeen nawaaxiga deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa isi soo tarayay muddooyinkii dambe Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka oo isku dhiibayay Kooxda Al Shabaab.

Waxaana Al Shabaab arrintaasi sheegeen in ay tahay tallaabo ay aad u soo dhaweynayaan.

Dowlada Somalia weli kama aysan hadlin wararkan sheegaya in ciidamad Dowlada ay ku biirayaan Kooxda Al Shabaab.