DHAGEYSO:- Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Galmudug oo wali isku Cakiran iyo Beelaha Qaar oo Gadoodsan

0

Waxaa weli Hakad ku jira doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya ee ka imaanaya deegaanada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socda Magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Magaalada Cadaado in ay marayaan meel wanaagsan, sidoo kalena ay u socdaan si habsami leh.

Maxamed Cabdi Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Doorashada Golaha shacabka in ay soo gaba gabeyn doonaan maalmaha soo socda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-