AKHRISO:- Beesha Caalamka oo Maamul Goboleedyada qaar u sheegtay inay ku daydaan Jubbaland

0

Beesha Caalamka ayaa si weyn u soo dhaweysay Maamulka Jubbaland in uu soo dhameystiro Doorashada Aqalka Hoose, kadib markii Maamulka Jubbaland uu shalay soo gaba gabeeyay Doorashada Golaha Shacabka.

War Qoraal ah oo si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka ayaa lagu amaanay Maamulka Jubbaland oo soo dhameystiray Doorashada Aqalka Hoose.

Sidoo kale saaxiibada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen hadii Maamulada kale ee dalka ka jira sidan oo kale ay u soo dhameystiraan in Doorashada Soomaaliya ay noqoto mid sanadkan gudhiisa ku dhacda.

“Marka waxaan hambalyo leenahay Maamulka Jubbaland oo noqday Maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira kuraasta Golaha shacabka, waad mahadsan tihiin ayaan leenahay Jubbland oo waqti badan ku bixiyay sidii Doorashada Soomaaliya waqtigeeda ay ugu dhici laheyd” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay Maamulada Puntland, Galmudug, koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle in ay soo dhameystiraan Doorashada Aqalka Hoose, si loo guda galo Doorashada qeybaheeda kale.