Wakiilka QM ee Soomaaliya oo ka walaacsan qaabka ay u socdaan doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya

0

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, Michel Keating ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhaca doorashooyinka qof iyo codkiisa ay sabab u tahay Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr. Keating ayaa xusay in dhibaatooyinka maamul xumida ee Somalia ay si weyn u curyaamisay hanaanka doorashooyinka dalka taasi oo la filayey in dalka uu ku yimaado isbadal la taaban karo.

Waxaa Wakiilka Qaramada Midoobay uu tilmaamay qaabka ay hada ku socdaan doorashooyinka dalka ee sanadkan ay tahay mid loo arkay xal si sanadka 2020 ay guud ahaan dalka ugu dhacaan doorasho dimuqraadi ah oo ku saleysan qof iyo codkiisa.

Ugu dambeyn, Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa qiray in ay jireen dib u dhacyo dhanka doorashooyinka balse waxuu qeexay in haatan ay rajeynayaan wax waliba ay ku soo dhamaadaan sidii loo qorsheeyay.