DAAWO:- Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Makkah Al-mukarama

0

Waxaa Magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukarama Maanta lagu qabtey shir deg-deg ah oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Isbaheysiga Islaamka OIC, Organization of Islamic Cooperation.

Shirka waxaa lagaga hadlay Gantaalkii Xuutiyiinta Yemen ay ku soo tuureen Magaalada barakeysan ee Makkah Almukarama,  Arintaasi oo ay si weyn ugu caroodeen Muslimiinta ku nool Adduun weynaha.

Wafdi oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa shirkaasi ka qeyb galey.

Wafdiga Wasiirka ayaa  waxaa ka mid ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Boqortooyada Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geele iyo Mudane Saalim Macow Xaaji oo ah ku-xigeenka safiirka.

Wasiir Hadliye ayaa shirka ka jeediyey khudbad oo uu si weyn ugu cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen gantaalkii ay ku tuureen magaalada barakeysan ee Makkah, wuxuuna hoosta ka xariiqey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin iney daafacaan Kacbada barakeysan.

Dhamaan madaxdii ka qey gashey ayaa waxay si wada jir ah u dhaleeceeyeen falalka gurracay ee jabhadda Xuuthiyiinta Dalka Yemen.

Shirka waxaa lagu doortey mudane, Yusuf Axmed Cuteymiin inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Organization of Islamic Cooperation (OIC).

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-