DHAGEYSO:- AMISOM oo ka hadashay qaabka ay u socdaan Doorashooyinka Soomaaliya

0

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in aysan rabshadaha Al-Shabaab u hakan doonin doorashooyinka Soomaaliya oo ay sidii la doonayayna u dhici doonaan.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay dhici karto arbushaado yaryar iyo ugaarsi ay ku sameeyaan qaar ka mid ah Ergada balse aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin Al-Shabaab habsami u socodka hawlaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Ergeyga ayaa intaa raaciyay in ay xil wayn iska saareen sugidda ammaanka goobaha ay codbixintu ka dhacayso iyagoo kaashana Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, kuwaas oo qaybo badan oo ka mid ah haatanba loo carbiyay ka qayb qaadashada ilaalinta Doorashooyinka dadban.

Dhinaca kale, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay inay AMISOM waddo qorshihii ay 2018-ka kaga bixi lahayd guud ahaan Dalka Soomaaliya, haatanna ay diyaarinayaan Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed ee iyaga howsha kala wareegi lahaa.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa horay u soo tababaray 10.900 oo Askar  Soomaaliyeed ah kuwaasoo la doonayo in tiradooda la gaarsiiyo 20,000, si ay u hantaan dhammaan ammaanka guud ee Dalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa horay u sheegay in ay carqaladayn doonaan Doorashooyinka dhowaan lagu wado in ay Dalka ka qabsoomaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-