WAR DEG DEG AH:- Ku dhawaad 200 oo Carruur ah oo la dhigay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ku dhawaad 200 oo Carruur ah,kuwaasoo uu soo ritay Xanuunka Shuban biyoodka.

Carruurta la dhigay Isbitaalka Dhuusamareeb ayaa laga kala keenay Tuulooyinka Hoosyimaada Magaalada Dhuusamareeb iyo Magaalada intaba.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Dhuusamareeb ayaa noo Xaqiijiyay in illaa 180 Carruur u badan oo Xanuunka Shubanka ama Daacuun Caloolaha uu soo ritay laJiifiyay Isbitaalka,waxaana uu intaa ku daray in aysan Awood u laheyn in ay Gargaar Caafimaad siiyaan Bukaanada intaas le eg ee Isbitaalka Jiifa.

Magaalada Dhuusamareeb oo Gacanta ay ku hayaan Maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale waxaa yar Hay’addaha qaabilsan Caafimaadka oo halkaas ka shaqeeya.