DEG DEG+DHAGEYSO:- Gudoomiye Degmo oo ku dhaawacmay qarax Al-Shabaab hore ula eegteen oo Saaka ku geeriyooday Muqdisho

0

Gudoomiyihii degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay Maxamed Nuur Abdiyow ayaa saaka u geeriyooday Qarax dhawaan ay Al-Shabaab ay kula eegteen meel ku dhow howgiisa degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha oo dhawaan howlo caafimaad loo keenay Magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday isbitaalka Digfeer sida ay sheegeen Maamulka Degmada.

Maxamed Ibraahim Cabdulle Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska degmada Buurhakaba ayaa sheegay in gudoomiyaha uu saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan laga soo qaaday magaalada Baydhabo , islamarkaana lagu dabiibaayay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO