TOP:- Axmed Madoobe oo Canaantay Guuleed iyo Gaas“Waxaan ka Xumahay in Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka ay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland''

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa War ka soo saaray Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaraya Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca soo kala gaaray Labada Dhinac iyo Dadka rayidka ah intaba.

“Waxaan ka Xumahay in Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka ay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland,waxaa wax laga Xumaado ah in lagu dul dagaalamo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Labada Madaxweyne ee kala ah Gaas iyo Guuleed in ay Deg Deg u joojiyaan dagaalka lagana wada hadlo waxii dhacay.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa imaanaya iyadoo Magaalada Gaalkacyo uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Labada Maamul.