TOOS ULA SOCO:- Kala carar iyo Cabsi xoog leh oo ka jirta Gaalkacyo iyo Xaalada oo Saaka Kacsan

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay maanta tahay mid kacsan , waxaana Magaalada ka muuqda burbur xoogan gaar ahaan xaafadii lagu dagaalamay.

Waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa labada dhinac oo ay ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug,kuwaa soo maalmihii u dambeeyay kusoo laabtay Magaalada ka dib markii la sheegay in ay heshiiyeen madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Shalay ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Intla la xaqiijiyay Dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhimatay inka badan 30 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 80 Qof, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha caafimaadka.