Tan iyo wixii ka Dambeeyay isku dhicii Magaalada Caabudwaaq ku dhexmaray Beelo Walaalo ah oo Deegaanka Wada Daga waxaa isa soo tarayay Walaaca laga qabo in Degmadu ay gasho jaha wareer qayb ka ah Curashada Siyaasado is diidan.
Waxaa Shalay iyo Maanta Magaalada Caabudwaaq Xilliyo kala Duwan soo gaaray Ciidamo Ka kala Yimid Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado kuwaasi oo ka kala amar qaata Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug.
Qulqulka Ciidanka ayaa walwal iyo Cabsi badan ku abuuray shacabka Maadama Labada Maamul uu ka dhaxeeyo Hardan siyaasadeed oo kuwajahan Gobollada Dhexe Gaar ahaan Maamulidda Deegaanada Waqooyiga Galgaduud oo aan hadda lahayn Maamul si toos ah ushaqeeya.
Waxgaradka Deegaanka ayaa ka digaya in Caabudwaaq ay noqoto Meel ay kusoo bandhigaan siyaasadaha is diidan Labada Maamul iyagoona ku baaqay in Labada Maamulba Ciidankooda ay kala Baxaan Magaalada.
Caaqil Maxamed Xuseen Jaamac “Haaraa” oo kamid ah Waxgaradka Degmada Caabudwaaq ayaa lasoo xiriiray Shabakadda Allgalgaduud isagoo ku sugan Magaalada Cadaado, waxaana uu ka hadlayaa Dhacdooyinka kataagan Caabudwaaq, iyadoona aan suaalo dhowr ah oo ku saabsan halka ay kujirto Xalka shacabka aynu waydiinay.
Wariye Cumar Laki Man oo Allgalgaduud Media uga soo Waramaya Gobollada Dhexe ayuu Taleefanka ugu Waramay.