DHAGEYSO:- Khilaaf ka taagan Habka Beelaha Soomaaliyeed u qaysabanayaan Ergooyinka Dooranaya Xildhibaanada oo soo shaac baxay

0

Xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan damaacinaya inay dib ugu soo laabtaan kursiga, qaarkood waxaa laga taageeray qarashka iyo ololaha si ay ugu codeeyaan maalgeliyaha qarsoon, qaar kale waxa ay saaxiib dhow la noqdeen Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka ee xulaya ergo beeleedyada.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in beellaha Soomaaliyeed dhexdooda uu ka taagan yahay is xaqirid, dulmi , cadaalad darro iyo tirada ergo beeleedyada oo ay kala badsanayaan jufo hoosaadyada.

Xildhibaannada ka tirsan Golihii Baarlamaanka ee Sharciyaddiisu idlaatay ayaa hooy uga dhigay guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha ku jira liiska (135) horjooge beeleed si ay ugu fududeeyaan helidda kursiga Xildhibaannimo markale, waxaanu Xildhibaankaasi  u meeriyaa oday dhaqameedka liis ergo oo aan sinnaan iyo cadaalad ka muuqan oo ah ergo (51) xubnood ka kooban oo xubin ka mid ah uu ku habsado horjoogaha si codka hal dheeriga ah ee guusha keenaya uu u hanto.

Xildhibaannada Sharciyaddooda dhammaatay ayaa balan-qaadyo hanti iyo fursado gaar ah  u sameeyay qaar ka mid ah horjooge beeleedyada , qaarkood liiska (135) oday waxaa lagu buuxiyay si degdeg ah markii ay geeriyoodeen qaar ka mid ah odayaashii diiwaan-geshanaa sanadkii 2012 , shakhsiyaadkaasi lagu buuxiyay liiska intooda badan weligooda ma qaban howl nabadeyn, iskaba daa in beeshu ama jufadu isla ogeyd arrinkaasi, waxaana liiska buuxiskiisa ku dhacay wadatashi qarsoon oo dhexmaray Xildhibaanka Beesha/Jufada iyo Wasiirka beeshaasi u matalayay Dowladda, taasi oo ka dhigtay inay gudbiyaan magac nabadoon, iyagoo ka tallaabay in la gudbiyo magaca nabaddoonkii guud ee beeshaasi/jufadaasi laheyd, taasi oo ka dhigtay in Madasha Wadatashiga Qaran ay soo saartay liiska (135) oday oo laga buuxiyay dad aan wakiil rasmi ah ka aheyn beelahooda.

Is qab qabsiga taagan ayaa waxaa ka mid ah Liis xubno ka tirsan Madaxtooyada gudbisteen oo ah ergooyin ay si qaar u qorteen, waxaana taas ay shaki gelineysaa in doorashada Aqalka hoose ay hab cadaalad u dhacdo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed sida Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir iyo Isbaheysiga (.5) ee loogu yeero Beesha Shanaad waxa ay wajahayaan caqabado ku aadan qaab xulista ergada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-