DAAWO:- Madaxweyne Siilaanyo oo Safar deg deg ah ugu duulay Dalka Itoobiya

0

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxay maanta Gaareen Magaalada Adis Ababa Ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Waxa Wafdigaan qeyb ka ah Marwada Madaxweynaha Soomaaliland,Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arimaha Dibada Maamulkaasi.

Si diiran ayaa lagu soo dhaweeyey Wafdigaasi Magaalada Adis ababa markii ay maanta gaareen Magaaladasi.

Socdaalka Axmed Siilaanyo Ayaan weli la ogeyn sababta ka dambeysay hase ahaatee Warar la helay ayaa sheegaya in looga yeeray Adis Ababa.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Xuseen Dayib ayaa waxa uu sheegay in Casuumaad uu Madaxweyne Siilaanyo  ka helay R/wasaaraha Dalka Itoobiya Haila Mariam Desegln.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-