TOOS U DHAGEYSO:- Galmudug oo sheegatay inay la wareegtay Xaafada Garosoor iyo Daryanka Hubka oo wali la maqlayo

0

Magaalada Gaalkacyo maanta waxaa ka dhacay Dagaal xoogan, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Aroortii hore ee saakay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo laga maqlay Rasaas goos goos ah, taas oo markii dambe isku bedeshay Dagaal toos ah, oo labada dhinac ay isku adeegsadaan Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada Galmudug ayaa sheegtay in ay Dagaal kula Wareegay Qeybo ka mid ah Xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaan inta badan Xaafadda Garosoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Galmudug oo isku sheegay inuu hogaaminayo Dagaalka oo lagu Magacaabo Cali Yuusuf Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xaafado ka mid ah Waqooyiga Gaalkacyo iyo Goobihii lagu dagaalamay ay Galmudug Gacanta ku hayso,waxaana uu Xusay in Weerarka Maanta ay soo qaadeen Ciidamada Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO