DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Afgooye iyo tirada Masuuliyiintii dhimatay oo la shaaciyay

0

Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Saaka degan, kadib Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Degmadaasi shalay Gelinkii dambe.

Dagaal saacado badan qaatay oo ay Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta qeybo ka mid Degmada Afgooye ayaa ka dhacay halkaasi, inkastoo Shabaaka ay xalay dib uga baxeen Degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalantay, waxaana lagu soo waramaya in ilaa iyo hada ay ku dhinteen ku dhawaad 19 qof.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Isku Duwihii Wasaarada Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen Dagaalkan iyo sidoo kale askar badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Saaka Degmada Afgooye, waxaa  ay  ka wadaan Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Najax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen Askar badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay geerida taliyihii ciidanka asluubta gobolka iyo sidoo kale Afar Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-