DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay iney taageeraayaan hogaanka Cusub ee HirShabeelle

0

Gudoomiye ku xigeenka Dhanka arimaha Bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa madaxda maamulka Hirshabeelle kula dardaarmay in ay dhisaan wadooyinka u dhaxeeya gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeellaha Dhexe oo xilligan uu ka muuqdo burbur xoogan.

Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sidoo kale sheegay in dadka kunool gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in ay haystaan dhibaatooyin kala duwan sidaas darteed ay jeedada loo doortay madaxda in ay tahay in ay dadkaasi wax u qabtaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in fatahaada wabiga shabeelle uu dhibaato weyn ku hayo magaalooyinka Baledweyne iyo Sidoo kale Jowhar , islamarkaana madaxda maamulka Hirshabeelle laga rabo in ay waxqabadkooda koowaad ay ka dhigaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-