DHAGEYSO:- Go’aano Culus oo ka soo baxay Ururka Al-Islaax iyo Khilaaf Hareeyay Garabyada Ururkaasi

0

Sheekh Maxamed Axmed Nuur  Garyare oo ahaa aas-aasihii urur weynaha Al-islaax ayaa ka hadlay xaalada ururkaasi, Maamul Cusub oo sanadkii hore la Magacaabay iyo Arrimo kale oo la Xiriira baaq uu u diray garabyada Ururkaasi.

Waxa uu Sheegay in bishii december ee  Sanadkii 2015 hogaankii la sameeyay ee loogu talagalay in wax looga qabto habsami u socodka ururka uu gudan waaye howshiisa  iyo hadafkii loo sameeyay isla markaana ku guul dareystay howshii loo igmaday.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Axmed Nuur  Garyare aas-aasihii ururka Al-islaax ayaa waxa uu ugu baaqay Ururweynaha Al-Islaax Shirweyne Wadatashi ah oo loo dhan yahay.

Waxa uu sheegay in Shir weynahaasi Wadatashiga ah uu ka noqonayo dhex dhexaad isla markaana uusan dhinac xigsan doonin.

Ururka Al Islaax oo ka mid ah Ururada ka shaqeeya dalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe waxa uu u kala qeybsamay garabyo kala duwan, waxaana jira dadaal dib loogu mideynayo Ururka Al Islaax oo uu wado Sheekh Maxamed Axmed Nuur  Garyare.

Hoos ka Dhageyso Codka:-