AKHRISO:- Magacyada Madaxdii Shalay ku dhimatay Weerarkii iyo dagaalkii Magaalada Afgooye ka dhacay

0

Dagaalkii shalay Gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Afgooye, waxaana ku dhintay dad isugu jira askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale Shacab oo ku sugnaa goobihii ay dagaalada iyo Qaraxyadu ay ka dhaceen

Dadkii kunool dhintay dagaalkii shalay Gelinkii dambe ka dhacay Afgooye waxaa ka mid ah ahaa:

Taliyihii Ciidamada Asluubta ee degmada Afgooye Labo Xiddigle C/qadiir Maskiinoow.

Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud (Qooleey)

Col. Axmed C/qaadir Cabdulle Gorod oo taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka .

Waxaa sidoo kale ku dhintay dad gaaraya ku dhawaad 19 qof sida ay sheegayaan madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa xaqiijiyay geerida madaxdaasi ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.