DHAGEYSO:- Xaasaska Saraakiisha iyo Ciidanka Al-Shabaab oo 7 maalmood loo qabtay inay uga baxaan Magaalo Caan ah

0

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa fariin digniin ah u diray Xaasaska Al Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Degmada Baardheere.

 

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere Cabdullaahi Nuur Xasan Cadoow ayaa 7 maalmood waxuu u qabtay Xaasaska Al Shabaab in ay uga baxaan Degmada Baardheere.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in talaabo adag laga qaado doono haweenkaasi hadii aysan Magaalada uga bixin maalmaha loo qabtay.

Dhinaca kale, Guddoomiye Cabdullaahi Nuur Xasan Maamulka Degmada Baardheera ayaa ka mamnuucay Shacabka in ay fariistaan hareeraha Waddooyinka, islamarkaana ay ku ganacsadaan.

 

Mr. Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa waxuu sidoo kale mamnuucay in ka ganacsiga tabaakada, isagoona tilmaamay in aan lagu iibin karin Magaalada Baardheere.

 

Bishii la soo dhaafay ayee aheyd markii howlgallo ka dhan ah Xaasaska Al Shabaab siyaabo kala duwan looga sameeyay Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-