DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo degan iyo Ciidankii oo weli isku hor fadhiya goobihii ay ku dagaalameen

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay maanta tahay mid aad u xun , waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii ugu dambeeyay  shacabka ahaa  kuna sugnaa labada dhinac oo ay  ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in  ay isku dhacaan.

Odayaasha Dhaqanka ee ka soo kala jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayaa markale isu taagay nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyagoona baaqyo u jeedinaya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya duleedyada magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Dhibaato dhinaca nolosha ah, ay la soo deristay dadkii ku barakacay dagaalada toddobaadkii hore ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.

Halka Maamulka Galmudugna  ay sheegeen  in ay la dagaalamayaan Kooxda Daacish iyo ciidanka Puntland oo isku dhinac ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-