DHAGEYSO WAREYSI:- Wararkii ugu dambeeyay xaalada Magaalada Jowhar iyo Shirarka ka socda

0

Shirar gaar gaar ah oo lagu xalinayo cabashada ka timid qaabka loo wado hanaanka doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar, kaddib markii Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ay dood ka keeneen qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoonka Baarlamaanka.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, iyadoo ay socdaan kulamo aan loo kala kicin oo lagu xalinayo cabashada qaar ka mid ah Musharaxiinta ka keeneen in habka doorashada loo wado aanay aheyn mid cadaalad ku dhisan, isla markaana musuq maasuq badan iyo nin jecleysi la wado.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ee ku sugan Jowhar ayaa kulamo la leh Musharaxiinta cabashada ka keenay habka loo wado doorashada Maamulka iyo fara gelin ay sheegeen inay madaxtooyada ku heyso doorashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in gelinka dambe ay filayaan in la dhageysto Khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, si loo sii ambaqaado doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wariye Jowhar Joogo aan la yeelanay:-