DHAGEYSO:- Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle oo Jowhar ka socota iyo Musharaxiin isaga baxay tartanka doorashada

0

Qabanqaabada Doorashada ,Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa saaka ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in la doorto berri.

Ciidanka ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar iyo sidoo kale goobta uu shirku ka socdo ka dib markii shalay Maleeshiyo hubeysan ay la wareegtay goobta uu shirku ka socdo.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in xaalada hada ay degan tahay , islamarkaana maalinta berri ah la dooran doono Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya aya lagu wadaa in ay ka qeyb galaan doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-