DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaran"Somaliland waan ka sugeynaa inay soo gudbiyaan Liiska Aqalka Sare"

0

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhagey ayaa ka hadlay soo gudbinta Musharaxiinta liiska Aqalka Sare, isagoo sheegay inay sidoo kale ka war dhowrayaan Somaliland.

Waxa uu sheegay in maamul goboleedka Somaliland uusan weli soo gudbin liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, balse ay soo gudbin doonaan.

Garyaqaan Cumar Dhagey ayaa sheegay in maamul goboleedyada liiska ay soo gudbiyeen qaarkood aysan ka muuqan shuruudi ahayd in 30% ay ahaadaan haween.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo keliya ayaana soo buuxiyay kootadi haweenka ee ahayd 30% sida uu sheegay Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhagey.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA