Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku Wajahan Magaalada Jowhar

0

uddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa la filayaa maanta oo Axad ah inuu tago Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaasi Shabellaha Dhexe.

Ujeedka uu u tagaayo Guddoomiye Jawaari Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay inay tahay in maanta lagu wado in lagu dhawaaqo Xildhibaanada cusub ee uu yeelanaayo Maamulka Hirshabelle ee Dhismihiisa ka socda Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya uu goobjoog u ahaan doono ku dhawaaqista iyo dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa soo sheegaya in loo diyaargaroobay soo dhaweynta Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ee la filaayo inay gaaraan maanta Magaaladaasi.

Diyaarinta munaasabadda dhaarinta xildhibaannada Hirshabelle ayaa ka socota hoolka shirarka degmada Jowhar, iyadoo lasoo bandhigi doono dhammaaan xildhibaannada, kadibna halkaasi lagu dhaarin doono.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaannada Hirashabelle ayaa ugu dambeyn 15-ka bishan waxay dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi.