DHAGEYSO:- Galmudug oo war ka soo saartay Hubka lagu dhex heysto gudaha deegaanada Galmudug

0

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay hub ka dhigis ku sameeyeen dad hub ku dhex heysta deegaanada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan Xasiloonida deegaanada Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in aysan aqbali doonin in hub lagu dhex sito deegaanada Maamulka Galmudug, kuwaasi oo aan sharci ahayn.

Hoos ka Dhageyso Codka:-