AKHRISO:- Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo magacaabay Guddi baara Duqeyntii Mareykanka uu ku laayay ciidanka Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa magacaabay Guddi Baaritaan ku sameeya Duqeyntii lagu laayay ciidamada ka tirsan Maamulka Galmudug ee ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Warqad magacaabis Guddigaan ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay in Guddigaan ay ka kooban yihiin 8 xubnood.

Waxa ay isugu jiraan Guddigaan Wasiir, Guddoomiyeyaal, iyo Saraakiil ciidan kuwaasi oo sida ugu dhaqsiyaha badan u guda geli doono Baaritaanka la xiriira Duqeymihii ka dhacay Duleedka Gaalkacyo.

Hoos ka Akhriso Warqada:-

warqada