MAQAAL:- Shariif Sheekh Axmed xiligu xiligi maaha muhuna mihi maaha.

0

Shariif Sheekh Axmed ayaa 26-09-2016 ku dhawaaqay sida uu u doonayo in hogaanka ugu sareeyo dalka uu qabto mar kale.

Shariif sheekh axmed ayaa ahaa madaxweynihii dowladii KMG aheeyd ee ka horeeysay midda maanta jirta waxaana doorasho lagu qabtay Magaalada Muqdisho 2012 kaga adkaaday madaxweynaha talada dalka haatan hayo xiligaas oo uu iskaga huleelay guud ahaan dalka Soomaalya isagoo dib u dajin loogu sameeyay dalka Uganda halkaas oo degenaasho laga siiyay isaga iyo qooyskiisa waxa uuna dalka ka maqnaa muddo afar sanadood ah.

Maqnaashada muddada intaas ah dadka qaar ayaa ku amaana una arka in uu waqti siiyay dowlada haatan jirtay qaar kalena waxa eey u arkaan in uu ka dhax baxay shacabkii Soomaliyeed ee uu mar madaxda usoo noqday oo wax ka warqab ama xiriir ah uusan la laheen ee uu ku mashquulay danahiisa u gaarka ah haatan markii la iclaamiyay in doorasho dalka eey ka dhaceeysana usoo qalab qaatay sidii uu mar kale u sal dhigan lahaa madaxtooyada looga arimiyo dalka isagoo sida damaciisu yahayna rajeynaya in uu hogaamiyo markaan dowlad aan KMG aheeyn,

Shariif Sheekh Axmed ayaa maqalkiisa waxaa ugu horeeysay umadda Soomaaliyeed xiligii maxaakimti islaamiga ee 2006 dii isagoo ahaa gudoomiyihi golaha fulinta maxaakimtaas,

Shariif waxa uu noqday madaxweynihii dowladii KMG ka aheed waxana la sheegaa in eey u sabab aheeyd Jendayi Frazer oo aheeyd Kaalihii Xoghayahii hore ee arimaha dibada ee Mareykanka,
waxaa dhacday 2007 xiligii maxaakimta iyo shabaabkoodi oo is wato eey duurka Kudhaa ku wada dhuumaaleysanayeen in eey BBC ka baafisay Jendayi Frazer Shariifka iyada oo sheegtay in eey isku dayday in eey la xariirto Shariif Sheekh Axmed waxaan dhoowr jeer wacay mobilka Shariifka wuuna dansanaay Fadlan hadii uu na maqlayo hanala soo xariiro waa baafaintii siyaasadeed ee ugu layaabka badneed dhoowr maamlmood kama soo wareegan Shariifka oo lugeynayo ayaa soo istaagay xuduuda Kenya isagoo isku sheegay ciidankii ilaalada xuduudda waa laga soo qaaday meeshii waaxaana toos loo geeyay safaaradda Mareykanka ee Nairobi Kenya halkaas oo muddo uu ku sugnaa loona balan qaaday in lagu badalaayo Cabdulahi Yusuf oo xiligiisi aanu u dhamaan markaas, balan qaadkii loo sameeyayna wuxuu u dhacay muddo kadib sidii loogu talo galay waxaana lagu badalay Cabdulaahi Yusuf oo lagu qasbay in uu is casilo isagoo xilkiisi aan dhameeysan.

Hadaba waxa eey is weeydiintu tahay Mareykanka xiligaa u balan qaaday una fududeeyay in uu noqdo madaxweynihii dowladii KMG ka aheed ma cilaaqaad hoose oo hore ayaa jiray ma balan qaadyo uu u sameeyay ee dalka qeeyraadkiisa ah ayaa jiray maxeey ku doorteen in uu madaxweyne ka noqdo dalka wadadkaas aan xataa afkiisa kula hadli karin oo turjumaanka loo wacayo intaba maaha umadda Soomaaliyeed waxeey aaminsayihiin xaqiiqduna eey aheed oo kaliya wadadkaan cimaamada iyo qamiiska wato ee kitaabka quraanka ahna gacanta midigta ku wato cid walbaana gaaleeysiinayo in wajiga dhabta ah ee ururo diimeedyada la tuso Soomaalida iyadoo sidoo kale waa Mareykankee uu dagaal kula jiray diinta Islaamka una tusayay dadka wax lagu qaraabto oo xukun iyo aduunyo lagu raadsho ineey tahay ninki diinta iyo kitaabka watayna sidaan loo badali karo hadii aduunyo loo balan qaado.

Shariif Sheekh Axmed cid walbaa oo dowladii ka horeeysay ka tirsaneeyd waa uu rideeyay isagoo sabab uga dhigayay in dowladaas eey kaalmeeysatay Ethiopia kadibna waa isagii ka qeeyb galay tacsidii Melez zenawi hoos fadhiistayna oohinti iyo baroortii baadariyaasha ugu waaweynaa Tigreega Ethiopia isagoo markiisi horena qofkii salaamo Melez Zenawi diinta inuu ka baxay ku tilmaami jiray,
Shariif ayaa la aaminsanyahay in eey qibrad yari ba,an ka heeysato habka olole doorasho maxaa yeelay dibirtii ku dhacday 2012 asaga ayaa lahaa sababteeda ugu weyn marka laga soo tago dabacsanaan iyo u jajabnaan badan oo uu u sameeyay maamulo xiligaa jiray iyo qabaa,ilo gaar ah kadibna eey iyagii qeeyb ka qaateen sidii uu meesha uga bixi lahaa. Waxa uu xafladii ololihiisi doorashada ku casuumay qudbadana ka jeediyay rag markaa siyaasadooda si weeyn looga soo wada hor jeeday badi umadda Soomaaliyeed,

Shariif ayaa markaan wuxuu dib boorka uga jafay isuguna yeeray ololihiisi doorashada uu kaga dhawaaqayay garbahiisana soo buuxiyay haraadigii wixi loogu yeeri jiray madaaxkimta islaamiga sida saaxiibadiis C/qaadir Cali Cumar. Shiikh Indha cade. Cumar Imaan walakis Abuukar Cumar Cadaan. iyo kuwa kaloo badan isagoo wali aaminsan in uu darajo iyo madaxtinimo uu ku gaaray magacii maxaakimta maantana uu ku soo laaban karo isagoo dib u abaabulo wixii ka haray maxaakimtii barigaas balse waxaa ka maqan hogaamiye kooxeed iyo ururo diimeedyo la shiriyo oo dib magacooda iyo awoodooda loo soo nooleeyo umadda Soomaaliyeed in wax xiiso ah eeysan u heeynin.

Waxaa sidoo kale LAYAAB leh in eey is dhagrayaan walina eeysan is baran isaga iyo kooxdii uu shalay u isticmaalay sidii uu xukunka dalka ku qabsan lahaa ayagana damacsanaa in eey isticmaalaan ee uu ka hoos baxshay kadibna albaabada ka xirtay markii uu ahaa madaxweynihii dowladii KMG aheedy.
Shariifka ayaan ku baraarugsaneen walina aan garan ula jeedkii laga lahaa in laga dhigo madaxweynihii dowladii KMG ka aheed waxa uuna aaminsanyahay jaceeyl iyo maxabo eey u qabeen reer galbeedka eey ku doorteen waxa uuna ka dhacsanyahay in muraadkii laga lahaa la gaaray ee ahaa in sawir qaldan laga bixiyo diinteena muqadaska ah iyo culimada diinta,
Shariif ayaa markii ugu horeeysay laga dhigay madaxweynihii dowladii KMG ka aheed 2009 doorashadii ka dhacday Jibuti waxeey Jendayi Frazer oo wakiil u aheeyd Mareykanka u ogolaaday 275 xildhibaan in uu soo qorto si loogu biiriyo 275 tii xildhibaan ee horay u jiray si uu halkaas ugu soo baxo si aad u fudud oon laheeyn wax is jiid jiid ah.

Hadaba doorashada sanadkaan. sanadku maaha 2009 ee waa 2016, Madashu maaha Jibuti ee waa Muqdisho, 275 xildhibaan oo siyaado ah soo qoro maaha ee waa ku qanac kuna tartan 275 ta xildhibaan ee dasuurku qabo, Go,aanku maaha kii Jendayi Frazer ee waa Xildhibaano Soomaaliyeed oo garan karana ruuxii wax ka qaban karo marxalada uu dalka marayo kuna jiheeyn kara umadda Soomaaliyeed dowladnimo dhameeystiran oo taam ah iyo cadaalad oo aanu dalkeenu helin tan iyo intii eeynu xurnimada qaadanay.

Yaasiin Diirshe
diirshe99@hotmail.com