DHAGEYSO:- Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Cadaado

0

Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa Maanta tagey magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Ujeeda uu gaaray Magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolada Mudug iyo sidoo kale Galgaduud.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Cadaado , islamarkaana uu kala hadlo arimo quseeya doorashooyinka.

Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay si weyn u adkeeyn doonaan amniga magaalada Cadaado inta ay socdaan doorashooyinka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-